Faahfaahin guulihii dagaalkii Shalay ee Laascaanood

Waa Guul Taariikhi ah in gabi ahaanba la xiray Wadadii Oog ee gurmarka dhaawaca iyo Saadku usoo marayay SNM.

Ciidanka Difaaca Sool,ayaa isku fidiyay dhamaan Jidadka isku xira Oog iyo Gobolka Sool intiisa kale.

Gaar ahaan Wadada Laamiga ah oo xooga la saaray Labadii Dagaal ee ugu Danbeeyay kuwaas,ayaa jab xoogan lagu gaarsiiyay Ciidamada SNM.

Dhanka SNM,waxaa la xaqiijiyay in Burco la gaarsiiyay 84-dhaawaca iyo 38-dhomasho ah oo Ciidankooda ah.

Dhanka Beelaha SSC Waxaa soo xarooday gurmadkii Labaad oo Beelaha lagu qoray kuwaas oo gaaraya kumanaan Askari.

Dhanka Beelaha Harti,waxa dhamaan soo wada xarooday Tiradii ugu Badnayd ee loo baahnaa.

Sida lawada sigayo,waxaa dhiman Dagaalkii Lagu kala bixi lahaa ee Gooja-cade lagu soo afjari lahaa.

 

Halkan ka daawo khasaare la gaarsiiyay SNM

Jibril Qoobey.