Madaxweynaha Ukrain oo lagu casumay Shirka G-7

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy,ayaa ku biiri doona Shirka hogaamiyayaasha G-7 ee magaalada Hiroshima Wadanka Japan.

Hogaamiyaha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in uu Zelenskyy ku casumay shir madaxeedka G7 intii uu ku guda jiray booqashadiisa Kyiv bishii March.

Oleksiy Danilov, oo ah xoghayaha amniga Qaranka Ukraine iyo Golaha difaaca,ayaa telefishinka Qaranka ku xaqiijiyay in Zelenskyy uu ka qeybgali doono Shir madaxeedka G-7.

Zelenskyy ka qaybgalkiisa Shirka G-7,waxuu uleeyahay macno weyn,maadaama uu ubaahan yahay garab joogta ah si uu iskaga caabiyo duullaanka Ruushka.

Madaxda dalalka ugu horeeya caalamka dhaqaalaha iyo Dimuqraadiyada,ayaa soo saari doona cunaqabatayno cusub oo lagu soo rogayo Ruushka.