Saraakiisha Maamulka SNM Ee ku Lug leh colaada LC oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka

Warbixin ayay soo saareen Guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee loo xil saaray dabagalka colaadda ka taagan Laascaanood.

Warbixinta oo ah mid qarsoon,ayaa lagu dul istaagay Shaqsiyaadka sida tooska ah ugu lug leh colaada LC.

Masuuliyiinta Maamulka Somaliland ee iyagu dagaalkan Gacanta ku haya,isla markaana masuul ka ah xasuuqa,barakaca iyo burburinta Magaalada iyo Shacabka LC,ayaa kala ah…

1.Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid,Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.

2.Jeneral Cabdi Cabdilaahi (Cabdi Dheere) Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka Somaliland.

3.JG/Sare.Faysal Cabdi Bootaan Taliyaha Qaybta 7-aad, wuxuuna qaabilsan yahay howlgallada Laascaanood.

4 – G.Sare Ibraahim Ashkir,Taliyaha Qaybta 10-aad ee fadhigeedu yahay Gooje Cadde oo Waqooyi Bari ee Laascaanood.

Guddigu waxay kaloo baareen,halka uu ka yimid Hubka iyo Rasaasta loo adeegsaday dagaalka iyo in uu jiro ku xad-gudub cunaqabataynta Hubka ee Somaliya lagu soo rogay 1992 ee Qaraarka tirsigiisu yahay 733 (1992).

Sidoo kale,waxaa warbixintan ku jirta in Hubka loo adeegsaday LC uu ka yimid Dowlada Fadaraalka oo uu qayb ka yahay Hubka la siiyo oo maamul xumo uga baxay Gacanteeda.

Warbixintan,ayaa lagu ururiyay caddaymo muujinaya ku xadgudub lagu sameeyay xeerarka caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo kuwa xuquuqal insaanka,iyadoo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Colaada LC,waxaa ku naf waayay Boqolaal Qof,waxaana ku baeakacay in ka badan 200,000.