Waayuhu waa isku eg yihiin,hadafku waa mid,qorshayaashuna waa kuwii oo kale.!!

Waayuhu waa isku eg yihiin,hadafku waa mid,qorshayaashuna waa kuwii oo kale.

Hogaamiyaha xiligan iyo kii waagaas,ayaa kala badalan,waa Cabdullaahi Yuusuf iyo Deni.

Waayuhu waa isku eg yihiin oo Madaxweynihii xiligaas ee PL,ayaa loogu abaabulay kacdoon,iyadoo mudo xileedkiisii gabaabsiga ahaa iyo murankii doorashada loo marayo.

Hadafku waa midkii oo waxuu ahaa in lagu kala diro midowga Dadka iyo Dhulka Beellaha Harti.

Qorshayaashu waa kuwii burburinta Puntland-ta Saldhiga u ah nidaamka Fadaraalka ee caqabada ku noqday gooni goosadka Hargaysa,kali cunka Xamar,danaysiga Geelle iyo danaha Gumaystaha Ingiriiska ee Geeska Afrika.

Fuliyayaashu waa isku mid oo waa Rag awood iyo dhaqaale si walba ku raadinaya oo aan waxba xeerinayn danna aan ka lahayn hadafyadaas ama aragtidoodu aysan gaarsiisnayn waxa laysku haysto.

Puntland-tii shalay waxay ka awood,dhaqaale iyo saamayn badan tahay Saakay,waana mida Cadowyadaas midaysay markale.

2004,qorshihii aan ka hor tagnay,2023,ayuu dib usoo laba kac leeyay,lagana soo abaabulayaa,isagoo kasii xoog badan London,Jabuti,Muqdisho iyo Hargaysa.

Difaac iyo Midnimo.

Jibril Qoobey.