Madaxweyne Deni oo Bulshada Isku-shuban la hadlay

Iskushuban: 19 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay degmada Iskushuban ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa Bulshada Degmada Iskushuban ku baraarujiyey ka qeybgalka Doorashada Goleyaasha deegaanka, si ay codkooda ugusoo doortaan Golaha deegaanka ee Degmada shakhsiyaadka ay u arkaan in ay waxtar u leeyihiin.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.