Puntland iyo BC oo kawada hadlay arimaha doorashada

Garowe, May 20, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa maantay khadka zoomka shir kula yeeshay Safiirada Dalalka Sweden, Denmark, Germany iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay dardargelinta barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland, dhammeystirka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Degmooyinka iyo sii wadista qorshaha hirgelinta doorashooyinka hal cod iyo hal qof ee Degmooyinka, kaas oo hadda meel wanaagsan maraya.

Sidoo kale, waxaa si qoto dheer la iskula lafa-guray ilaalinta Amniga Doorashooyinka iyo arrimaha Siyaasadda guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland sidii loogu wadi lahaa hab xasiloon oo ku dhisan nabadgelyo.

Wasiirka ayaa Safiirada Dalalka Sweden, Denmark iyo Germany la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland iyo Shacabkeedaba dhammeystirka hirgelinta hannaan dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan.

Dhammaad.

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.