Maxaa udanbeeyay girgirtankii Aaran-shaydaan+R.Faroole Ee ka laabashada amarkii soo xirida

Waxay isku dayeen in ay Siyaasiyan umucaaradaan Dimuqraadiyada oo waxay abaabuleen kulamo,waxba waa ku badali waayeen.

Waxay adeegsadeen Saxaafada si ay Bulshada khal-khal ugu abuuraan,waana usocon wayday.

Waxay ugu danbayn adeegsadeen Xabad,iyadiina waxba waa ku hor istaagi waayeen oo Santuukhyadii Lixda Gobol iyo D.Burtinle si Nabad ah ayay ku dhaafeen taa badalkeeda,iyagaa khasaare soo fuulay oo waxaa miiska usaaran Magta Sadex Nin oo ku dhintay weerarkoodii Santuukhyada.

Haatan,xaalku,waxuu kusoo ururay Garowe oo qura in ay fawdeeyaan,iyadiina,waxaa si weyn isku abaabulay Bulshada,waxayna ubadan tahay in Shacabka Garowe iyo iyagu Gacanta isa saaraan.

Hadaba,iyagoo fashilka qabsaday iyo Jarkaboodada Siyaasadeed ee lala ciyaaray qaracan ka ah waxay shuruud ka dhigteen si ay uhelaan Wado ay ka baxaan in laga dulqaado Amarka Maxkamada ee soo qabashada.

Madaxweyne Deni,ayaa diidan ilaa Maanta in uu aqbalo ka laabashada Amarka soo qabashada,balse dhankooda waa udiyaar in ay aqbalaan doorashada Golayaasha Deegaanka.

Qodobada Wada furka laga dhigayo,waxay kala yihiin…

1.In Doorashada Golayaasha Deegaanka mucaarid iyo muxaafid lawada taageero.

2.In la laalo Warqada Dacwada ee ka taal kooxda.

3.In Doorashada 8-da Janaayo laga wada hadlo doorashada Golayaasha Deegaanka kadib.

Jibril Qoobey.