Dowladnimadii Somaliya waxay udhimatay Dufan raadis

Xassan,wuxuu aaminsan yahay Somaliya waligeed Dowlad noqon mayso ee waxaa muhiim ah inaan hanti badan samaysto Qof ahaan iyo Qoys ahaan.

Sidoo kale Tolkay uhiiliyo oo meel walba oo dufan leh geeyo una dhiso Ciidan ugaar ah.

Warkaas in uu sax yahay oo Xasan uusan Dowladnimo rabin,waxaa cadaynaya hab dhaqankiisa.

Laba dhacdo oo kala dhacay Shalay iyo Maanta waa tusaale cad oo lasoo qaadan karo.

1.Hay’ada Tayadhowrka,waxay heshay Sadex Mashruuc oo dufan fiican leh si aysan Qoyska udhaafin,waxaa la geeyay Gabar udhaxda Wiilka Xasan iyo mid ay keensadeen Sxb-da nacfi wadaaga,waxaana la xooray Wiil xiligii Olalaha lasoo harjaday,iyadoo la isticmaalayo Gacanta RW baariga ah.

 

 

2.Safiirka Sacuudiga bahdilaada lagu sameeyay,waxay ku salaysan tahay xoogaa Dufan ah oo Dhaxal sugaha Boqortooyadu Sooryo ahaan ubixinayo in uusan waxba ka ogaan.

Safiirku,waxuu qaatay go’aan Geesinimo leh oo haduusan helayn sharaftii uu mudnaa in uu bahdil iyo Cad quureed Dugsado,waxuu ka door biday in uu iskaga tago.

Dowladnimadii Somaliya waxay udhimatay Dufan raadis.

Jibril Qoobey.