Madaxweyne Deni iyo weftigiisa oo booqday Qabriga Awoowe Daarood iyo Ayeyo Doonbira-direed

Haylaan: 22 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqday Qabriga Alle ha u naxariistee Shiikh Cabdiraxmaan Ismaaciil Jabarti (Daarood) oo ka mid ahaa Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ay kasoo farcameen qaar ka mid ah qabaa’Ilka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa u duceeyay Marxuumka, wuxuuna Salaan iyo xogwareysi la yeeshay culimada gacanta ku haysa xarunta, Sidoo kale waxaa uu Madaxweynuhu booqday oo usoo duceeyay Qabriga Marwadii Shiikh Daarood, Alle ha…