Punsaa oo Bosaso ugu furtay tababar ku dhawaad 500 oo kor joogto

Dalladda urrurrada bulshada rayidka ah ee Puntland PUNSAA,ayaa manta 400 kor joogtada maxaliga ah ee doorashada u furtay tababarka hababka casriga ah kor joogtaynta doorashada Golayaaasha Deegaanka ee la filayo in ay dhacdo 25 bishan.

Tababarrada,ayaa si wadajir ah uga furmay Bosaso, Garowe iyo Galkacyo oo ay ku kala sugan yihiin xubnaha korjoogtada ee tegaya goobaha darooshadu ka dhici doonto.

Tababarka,ayaa soconaya muddo Laba cisho ah,iyadoo Korjoogtada la bari doono:-

• Daah-furnaanta doorashooyinka
• Ilaalinta Sumcada doorashooyinka
• Dhisida kalsoonida shacabka ee doorashooyinka
• Habaka isticmaalka qalabaka korjoogtadu ay ku soo gudbinayaan xogta xarumaha Doorashada sida isticmaalka systemka ODK system iyo sms System.

Magalalada Bosaso oo ah goobta lagu qabtay Tababarka Korjoogtada Shanta Gobol ee Bari, karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan,ayaa Guduumiye Kuxigeenka Dalada PUNSAA Mursal Maxamuud Cabdi iyo uqaybsanaha Gobolka Bari Faadumo Yaasiin Jaamac waxa ay furitaanka Tababarka ka jeediyeen Hadalo ku wajahan Doorka Laga rabo Korjoogtada.

Dallada PUNSAA oo qayb ka ah Geedi socodka Barnaamijka Dimuqraadiyadda,ayaa cayaaraysa kaalin korjoogto oo dhex-dhexaad u ah Ururrada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashada.