Video:-Bulshada Badhameed oo si weyn ugu soo baxday Olalaha Ururka KAAH

Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta magaalada Badhan kaga qeybgalay isu soo baxa Urur Siyaaasadeedka KAAH, halkaaasi oo uu Madaxweynuhu Kula hadlay dadweynaha Degmada Badhan.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-Xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Goleyaasha Urur Siyaasadeedka KAAH, Musharixiinta Ururka ugu sharaxan Golaha deegaanka ee Degmada Badhan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka Madaxweyne Deni oo fagaare kala hadlaya Bulshada Badhan.

Halkan ka daawo muuqaalka Tasriikhda Saldanada Beesha Maxamuud Harti oo loo sharaxayo Madaxweyne Deni.