Xildhibaan Qowdhan oo beeniyay in SSC laga lahaa Qalabka lagu qabtay Dekeda Muqdisho

Qoraalka Xildhibaan Dayax ku qoray bogiisa Facebook ee ah in qalab Milatari oo SSC leedahay lagu qabsaday Garoonka Muqdisho waa mid aan Sal iyo raad toona lahayn hadal masuulna ahayn, gefna ku ah SSC.

Saaxiibtinimada Xildhibaanimo ee Naga dhaxaysa darteed waxaan kala sameeyey xidhiidh in uu khaladkiisa saxo raaligelina bixiyo taas oo uusan illaa hadda fulin.

Xildhibaan Dayax wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii Xarakada alshabaab kasoo xerooday ee laga shaqaaleeyey hay’adda NISA xiligii Fahad Yaasiin sidaasna Xildhibaan ku noqday.

Xidhiidhka isaga iyo Hay”ada NISA oo uu hore uga tirsanaa ayaa wakhtigan aad u xun sida ka muuqata qoraaladisa.

Agabka ciidan ee uu sheegay in SSC lagaga qabsaday Garoonka muqdisho dukumentigiisana bartiisa dhigay waxaa cadaan ah in uu isagu wax ka ogyahay uuna ku tirayo SSC lagana yaabee in uu dib usoo celiyey xiriirkiisii hore ee Alshabaab oo alaabtan haday jirto loo wado.

WQ:-Xildhibaan Qowdhan.