Yay dani ugu jirtaa furida Xuduuda Kenya iyo Somaliya?

30-Casho gudahood,waxaa lagu furayaa Xuduuda Kenya iyo Somaliya dhanka Beledxaawo.

60-Cisho,waxaa lagu furayaa xuduuda Kenya iyo Somaliya dhanka Dhoobley.

90-Cisho,waxaa lagu furayaa xuduuda dhanka Raaskanbooni.

Dadka sida dhow ula socda arimaha Gobolka Gedo,waxay qabaan in ay faa’idada ugu badan ee furida Xuduuda ay helayso Kenya marka laga soo tago waxyar oo kooban oo Bulshada Gedo ka helayaan dhaqdhaqaaqa.

Sidoo kale waxay saadaaliyayaasha la socda xaqiiqada Gobolku ku doodayaan in ay adag tahay fulista Qodobada lagu soo saaray Warmurtiyeedka,waxayna ku saleeyeen..

1.Somaliya oo aan lahayn Dowlad xuduudka maamusha.

2.Basaboor Somaliya oo looga qaadan karo Xuduudka Visa oo aan jirin,iyadoo ay khasab tahay in Dayuurad la raaco.

3.Amni ahaan Kenya,ayaa ka faa’idaysa oo Dowlada Somaliya Xuduudaba ma joogto.

4.Dhaqaalahaan Kenya,ayaa ka faa’idaysa Dowlad ahaan iyo Shacab ahaanba.

 

Halkan ka akhriso Warmurtiyeedka:-