𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐗𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐢𝐥𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚

Guddiga xalinta khilaafka iyo cabashooyinka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii koowaad ayaa Guddoomiye u doortay 𝑺𝒉. 𝑨𝒃𝒅𝒊𝒏𝒂𝒔𝒊𝒓 𝑨𝒃𝒅𝒖𝒍𝒍𝒂𝒉𝒊 𝑨𝒍𝒊 halka ay Guddoomiye kuxigeen udoorteen 𝑺𝒊𝒄𝒊𝒊𝒅𝒐 𝑿𝒖𝒔𝒆𝒆𝒏 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏.

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Mudane Abdirisak Ahmed Said oo kulan la qaatay Guddiga Xalinta oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Bulshada, ahna dad khibrad uleh shaqada Doorashooyinka ayaa uga mahadceliyay aqbalaada shaqada culus ee Guddiga u wakiishay.

#codkaaguwaaxaqaaga
#codkaaguwaamustaqbalkaaga