Saldhigii Atmis Ee Buulo-mareer oo Shabaab la wareegay

Xeradii Ciidamada Atmis ee Buulo-mareer,waxaa qabsaday Shabaab.

waxay ku dileen 130-Askar oo Ugandhays ah,waxayna ku dhaawaceen tiro intaa ka badan,sida ay sheegsyaan wararka Deegaanka laga helayo.

Sidoo kale,waxaa jira Ciidamo Igandhays ah oo ay Nolol ku qabsadeen argagixisada Shabaab.

Shabaab,waxay kaloo ku qabsadeen Xeradaas Hub fara badsn.

Duqeymo ay fuliyeen Diyaaradaha Ciidanka Ugandha,waxaa ku dhintay Shacab gaaraya  Laba Qof,iyadoo mid kalana ku dhaawacmay.

Ciidan Somaliya oo fadhoyay Buulo-mareer,ayay wararku sheegayaan in uusan soo gaarin khasaare oo ay iskaga Baxeen.

Ciidanka Atmis war kama soo saarin weerarkaan lagu gaarsiiyay khasaaraha Lixaadka leh.