Boolis cusub oo tababar looga furay Gaalkacyo

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland, Wasiir kuxigeenka Amniga, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Taliyaha Booliska Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo saraakiil kale ayaa Maantay booqasho ku tagay Xerada tababarada General Carays Godad ee Degmada Gaalkacyo.

Ciidamada oo ka tirsan booliska Dowladda Puntland ayaa mudo tababar u socday, waana dufcad cusub oo qaadan doonana tababaro kala duwan.

Mas’uuliyiinta ayaa goobta kula hadlay ciidanka, kuna bogaadiyey in ay tababarka u qaataan sidii ay ugu adeegi lahaayeen Dalkooda iyo dadkooda.