Golaha Daryeel Waamo oo bogaadiyay Doorashada Golayaasha PL

*WARSAXAAFADEED*

Ku:Dowlada Puntland
Ku:Shacabka Puntland

Ujeedo: Hambalyo & Bogaadin.

Waxaan halkan idiin kusoo Gudbinaynaa anagaa ku hadlayna Codka GOLAHA DARYEEL WAAMO Hambayo iyo Bogaadin aan lasoo koobikarin taasoo kasoo go’oday quluubta dadka aan afkooda ku hadlayno.

Golaha Daryeel waamo waa Gole ay kumidaysan yihiin, Qurbajoogta iyo Gudajoogta, Reer Jubaland, ee Beelaha MEHERI ISMAIL IYO HARTI KOOMBE.

Golaha Daryeel waamo Wuxuu Dowlada Puntland iyo shacabka Puntland ba ugu hambalyeynayaa Doorashadii Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland, darashooyinkaasoo ka qabsoomay 32degmo oo kamida Degmooyinka Puntland.

Golaha Daryeel waamo Wuxuu bogaadinayaa sida habsamida iyo nabadgelyada leh, ee doorashoonkasi ku dhaceen iyo bisaylka ay Dadka Reer Puntland Muujiyeen.

Golaha Daryeel waamo Wuxuu sigaar ah, Ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha Puntland
Dr Saïd Abdullahi Dani & Xukuumadiisa oo ka dhabeeyey himiladii dadweynaha Puntland iyo Soomalida inteeda kaleba.

Gebagebadii Golaha Daryeel Waamo Wuxuu u rajaynayaa Degmooyinka dhiman ee aysan weli ka dhicin Doorashooyinka Golayaasha Deegaanku inay si nabad iyo is-afgarad ku dhamaato insha’allah.

Guddoomiye: Omar Abdisamad

Dhammaad