Madaxweyne Deni oo qaabilay Xildhibaanka Somalida G.Ohio Ee Maraykanka

Boosaaso: 27 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Xildhibaan
Ismaaciil Cali Maxamed oo kamid ah Xildhibaanada Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu kujiro Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Gobolka Ohio Mudane Cabdi Aaden Geesay.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa korjoogtada u timi Doorashadii Goleyaasha Deegaanka Puntland ee qabsoomtay 25-kii May, wuxuuna maalintii Doorashada booqday goobaha codeynta isagoo kormeeray sida habsamida leh ee Doorashadu u socotay.

Waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal, Wasiiro ka tirsan Dowladda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.