Video:-Maxay isku hayaan Seerbiya iyo Kosovo?

Kosovo oo ay u badan tahay Qowmiyadda Albeeniyaanka,ayaa wixii ka horreeyay 2008 ka tirsanayd Serbia.

Seerbiya,ayaa ka hor timid goosashada Kossovo,waxayna diiday in ay aqoonsato madax bannaanideeda.

Waxaa Kosovo dal ahaan u aqoonsan ku dhawaad 100 dal oo uu kamid yahay Maraykanka.

Dalalka diiddan waxaa kamid ah Shan Waddan oo Midowga Yurub ka tirsan, Shiinaha iyo Ruushka.

Kosovo,ayaa u baahan in ay heshiis buuxda la gaarto Seerbiya si ay xubin uga noqoto Qaramada Midoobay una noqoto Dal laga aqoonsan yahay caalamka oo idil.

Magaalada Mitrovica ee xarunta u ah Gobolka Waqooyi,ayaa u kala qeybsan deegaanno ay kala leeyihiin Seerbiyiinta iyo Albeeniyiinta,waxaana guuldaraystay dedaallo ay Dowladda Kosovo ku xallin rabtay khilaafka.

Midowga Yurub,ayaa marar badan isku dayay inuu xal waara u helo khilaafka u dhexeeya Kosovo iyo Serbia, balse ilaa haatan ma jiro heshiis dhaqangalay oo ay dhinacyadu gaareen.

Khilaafka,ayaa ka dhigay Gobolka Balkan-ka mid uu xilli kasta ka dhici karo dagaal ba’an.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka