Maraykanka oo Garaacay fariisin Al-Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee Soomaaliya 1-dii June.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarka.

“AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon. Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada ku lug lahaa howlgalka iyo agabka la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo amniga hawlgallada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

AFRICOM ayaa sheegay in Soomaaliya ay xuddun u tahay amniga iyo xasilloonida Bariga Afrika, ayna ka caawin doonaan dowladda federaalka Soomaaliya sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.