Maxaan kala soconaa isfahanka Somaliya iyo Ruushka ay wada gaareen

Sida ay xaqiijinayaan Ilo lagu kalsoonaan karo isfahanka ay wada saxiixdeen Somaliya iyo Ruushka,waxuu ku salaysan yahay Kooxda Wagner.

Abshir si gaar ah,waxaa loola kulan siiyay Sarkaal KGB hawlgab ka noqday oo kooxda Wagner qayb ka ah.

Isfahanka rasmiga ah,waa in kooxdaas ka hawlgasho Somaliya,gaar ahaan Puntland oo Ruushku danaynayo.

Waxaa,wakiil gaar ah laga dhigay Gabadha M.Xasan,iyadoo Khadar Faroole oo dhanka PL loo wakiishay.

Dhanka dhaqaalaha lagu hawlgalayo,waxaa lasoo marsiinayaa Abshir iyo Gabadha Xasan.

Hawlgalkii khal-khal gelinta Doorashada ee Garowe,waxuu ahaa shaqadii ugu horaysay oo Khadar fuliyo,sida wararku sheegayaan.

Ruushku,waxuu isku dayayaa loolan in uu kula galo reer Galbeedka Qaarada Afrika.

Ciidanka Wagner waa Calooshood ushaqaystayaal hoos taga Aqalka Kremlin iyo Gacan leexsan Putin isticmaalo,waana ma naxayaal qayb ka ah Iibinta Daroogada,Burcad Badeeda,Macdan qodoshada iwm.

Jibril Qoobey.