Video:-Musefeni oo qirtay in Shabaab xasuuqeen Ciidankiisa

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musefeni,ayaa ku dhawaaqay in 54 Askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Somaliya.

Hadalka Musefeni ,ayaa imaanaya Todobaad kaddib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Al-shabaab,ayaa dhankooda sheegtay in weerarkaas ay ku dileen 137 Askari oo Ugandhays ah.

Musefeni,ayaa xaqiijiyay in ciidamadiisu ay Saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka