Muxuu ubaaqday Fadhiga Golaha Shacabka Fadaraalka?

Kulankii Golaha Shacabka Fadaraalka,ayaa ubaaqday kooram la’aan.

103-Xildhibaan,ayaa soo xaadiray fadhiga Golaha ee Maanta.

Inta badan Xildhibaanada ka maqan fadhiga,waxay ku sugan yihiin isla Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada,ayaa u arka in fadhiga Golaha ay macno tirtay maqnaanshaha Gudoomiyaha iyo Gudoominta Abshirow oo loo arko marka ay jiraan arimo xasaasiya in looga dhuunto.

Abshirow waxaa si weyn loo dhaliilaa khibradiisa iyo hab hogaamintiisa Golaha.

Gudoomiye Aadan Madoobe,ayaa Sacuudiga udhoofay xili Qodobo xasaasiya taagan yihiin,waxaana muuqata in uusan rabin in lagu sawiro qorshaha Villa Somaliya ee mudo kororsiga Dastuurka baalmarsan.