Hot Topics

Wakiilka QM maqaamka Muqdisho loogu soo dhaweeyay waxuu bahdil ku yahay Qaranimada Somaliya

Waa Wakiilka cusub Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey uqaabilsanaan doonta Somaliya.

Maqaamka lagu soo dhaweeyay waa mid udhigma heer hogaamiye Waddan ama Mustacmarad.

60-Sano kadib Somaliya weli waxay ku hoos jirtaa Gumaysi dadban,mana muuqato wakhti ay ka gudbayso.

Muuqaalkan,wuxuu muujinayaa in Qaramada Midoobey ay Dalkan xukunto oo Dowlada rasmiga ah ay iyadu tahay…..

Waxaa ujooga Ciidan ugaar ah oo ka Mushahaar iyo adeeg sareeya kuwa Somalida.

Waxay leedahay Xarumo ugaar ah oo ka amni iyo adeeg fiican Villa Somaliya.

Waxay leedahay go’aamo mararka qaar ka xoog badan kuwa Dowlada Somaliya ee magac uyaalka ah.

Miisaaniyadooda iyo qorshayaashooda Wadan ayay leeyihiin Xaafiisyada Qaramada Midoobey ee Somaliya ku sugan.

Wkiilka QM ee Somaliya,waxaa la siiya xogaha Wadanka 24-kii Saac,waxuuna ka heli og yahay Madaxweynaha Somaliya daqiiqad walba waxa socda.

Dhaliisha ugu weyn,waxaa iska leh hogaamiyayaasha aan gaarsiisnayn in ay Ummad jiheeyaan ee Kursiga Villa Somaliya ku fariistay.

Jibril Qoobey.