Hot Topics

Ururka Argagixisada Alshabaab oo toogtay Shan Qof

Ururka argagixisada Al-Shabaab,ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay Shan Qof oo ay ku Eedaysay “Jaajuusiin”.

Dowladaha Mareykanka iyo Somaliya ayay ku eedeeyeen in ay u ahaayeen Jaajuusiin,balse masoo bandhigin Cadayn Alshabaab.

Dadka ay toogteen Shabaab,ayaa ahaa Shan Nin oo da’doodu u dhaxayso 28 ilaa 52 jir.

Xukunka,ayaa ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellada-Hoose Khamiistii shalay.

Maxkamadaha Argagixisadu maleh qareen difaaca eedaysanaha,waxaana awooda go’aan qaadashada leh Ninka Xaakimka ugu magacaaban ee markaas fadhiya Kursiga goobta ay ku tilmaamaan Maxkamada.