Hot Topics

Wasiirkii Wasaaarada Amniga Puntland oo xilkii laga qaaday

Waa loo baahnaa xilka qaadista lagu sameeyay Wasiirkii Amniga.

Wasaaradu waxay noqotay fadhiid fashilan oo ku ceebowday shaqadii Amniga.

Xaruntii Ganacsiga PL ee Bosaso ayay argagixisadu ka adeeganaysaa oo Ganacsatadii ku khasbaysaa Lacag Baad ah in ay bixiyaan.

Fashilka amni ee taagan in Dowladu uga falceliso xilka qaadis sare waa loo baahnaa,balse waa in aysan ku koobnaan Wasaarada ee la dul istaagaa Booliska iyo Sirdoonka.

Dhaqaalaha ugu badan waxay Dowladu ku bixisaa Amniga hadana,waxaa ka jira fashil weyn oo la taaban karo.

Jibril Qoobey.