Hot Topics

Fadhiga Golaha Wakiilada PL oo si habsami leh usocda

Garoowe: June 22, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane,Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta ugu danbeysay ee Guddiyada Golaha Wakiilada , waxaana warbixin soo jeediyay;

1. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda

2. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka

3. Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu Gobollada Puntland iyo kulamo la xisaabtanka Hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin,si ay u la socdaan shaqooyinka ay fuliyaan.

Ugu dambeyntii, Fadhiga maanta waxaa la soo geba-gabeeyey warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobkiisa 42-aad farqadiisa 8-aad.

DHAMMAAD.
Xafiiska Warfaafinta Golaha Wakiillada DPL.