Hot Topics

Midowga Yurub oo si adag uga hadlay kitaabkii Qur’aanka ee lagu gubay Sweden

Midowga Yurub,ayaa si adag u cambaareeyay gubidda Qur’aanka iyo muujinta cunsuriyadda, waxayna caddeeyeen inaysan meelna uga jirin Yurub.

Midowga Yurub,ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden kula biiray sida xooggan ee ay u diiddan yihiin qur’aanka lagu gubay Sweden.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub,ayaa sheegay in falkani uusan sinaba uga tarjumayn aragtida Midowga Yurub.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xiriirka oo lagu faafiyay mareegaha Internet-ka ayaa lagu yiri “In la gubo kitaabka qur’aanka ama kutubta kale ee xurmada leh waa aflagaado, aan munaasib ahayn, waana fal daandaansi cad ah.”

Muujinta midab-takoorka, nacaybka iyo dulqaad la’aanta meelna kuma laha Yurub.

Waxa falkan sii xumaynaya ayaa ah in qofka falka geystay uu u doortay maalinta ay Muslimiintu u dabaal degayaan Ciidul Adxaa.

“Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa inuu difaaco xorriyadda diinta ama caqiidada iyo xorriyadda hadalka, dibadda iyo gudaha. Hadda waa waqtigii loo wada istaagi lahaa is-faham iyo is-ixtiraam, lagana hortagi lahaa dhibaato kale oo soo kororta.”

Ururka shaqaalaha ayaa cambaareeyay falkii lagu weeraray safaaradda Sweden ee Baqdaad, Wuxuu ku baaqay in la is dejiyo oo la is xakameeyo.