Hot Topics

Kabkii Miisaaniyada oo laga joojiyay Dowlada Fadaraalka

Dowlada Somaliya waxay lumisay Kab Miisaaniyadeed oo ay ka heli jirtay Wadamo reer Yurub ah Bishan.

Kabka Miisaaniyadeed ee ka baaqday,ayaa gaaraya $4-6 Milyan.

Dalalka bixin jiray Kabkaas,waxaa ka mid ahaa Ingiriiska iyo Wadamada Iskaandaneefiyaanka.

Hakinta Kabida dhaqaale ee ay Dalalkan sameeyeen,waxaa sababay dhawr arimood oo kala ah…

1.Siyaasada M.Xasan ee kala qaybisay Dalka.

2.Mudo ku darsashadii DG iyo DF ee Madasha

3.Musuqa baahsan ee gaaray ilaa Xaafiiska Madaxweynaha.

Mabdi’iyan talaabooyinka la dagaallanka musuqa M.Xasan qaaday,waa loo baahnaa.

Balse,waa in dagaalka musuqu taabtaa Xaafiisyada Wasiirada,RW iyo Madaxweynaha.

Si gaar ah Lacagta kasoo xaroota Qaadka ee toos ugu gudubta Xaafiiska Madaxweynaha,ayaa Isha lagu hayaa in uu taabto dagaalka Musuqa.

Jibril Qoobey.