Hot Topics

Dowladnimada Somaliya maka maarantaa Jagada Ra’isalwasaaraha ?

Somaliya ma gaarsiisna in awooda Hal Qof Gacanta loo wadageliyo,sidaa daraadeed amni ahaan iyo maamul ahaanba loogama maarmo jagada Ra’isalwasaaraha.

Dastuurka,ayaa qeexaya awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaruhu kala leeyihiin.

Nasiibdarro,waxaa xadgudba mar walba Madaxweynaha oo faraha la gala shaqada Ra’isalwasaaraha.

Hadaba si taa looga baaqsado oo awooduhu iskugu dheeli tirmaan,waa in meesha laga saaraa Qodobka dhigaya….

(Ra’isalwasaaraha,waxaa magacaabaya Madaxweynaha).

Xadgudubka Dastuur ee jira waxaa tusaale la arki karo u ah Ra’isalwasaare Xamse in uu ka maqan yahay fadhiga Wadanka masiirkiisa looga xaajoonayo saakay.

Madaxdii hore ee fadhida Shirka Muqdisho ka furmay,waxaa laga rabaa in ay ilaaliyaan oo aysan ka leexan Qodobada masiiriga ah.

Jibril Qoobey.