Hot Topics

MADAXWEYNAHA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA AHUN GEN. CALI NUUR CUMAR .

Garoowe: 11 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabweynaha Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, oo ku geeriyooday India .

Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu AHUN Gen. Cali Nuur u ahaa shakhsi Wakhtigiisa ku bixiyey Dowladnimada iyo u shaqeynta dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuuna Tacsi u diray dhammaan Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidanka , gaar ahaan Ciidanka Asluubta iyo Shacabweynaha Puntland.

“Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, oo ku geeriyooday India, wuxuu ahaa Sarkaal usoo shaqeeyay dadkiisa iyo dalkiisa xiliyo kala duwan, isagoo xilal kasoo qabtay Soomaaliya iyo Puntland, Waa Odey kaalin weyn kasoo qaatay dhismaha Dowladda Puntland gaar ahaan dhinaca Ciidamada isagoo waxbadan ka qabtay Dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland oo uu taliye usoo noqday.

Wuxuu ku suntunaa mid danta guud, nabadda, amniga iyo horumarka ka shaqeeya, waa Tiir weyn oo ka baxay dhinaca Dowladnimada, Waxaan Tacsi u diraya guud ahaan Goleyaasha Dowladda , Ciidanka qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Asluubta iyo shacabweynaha Puntland.

Alle Waxaan uga baryayaa in uu Marxuumka danbigiisa dhaafo oo janadii geeyo, eheladii , qoyskiisii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna uu Samir iyo Iimaan kasiiyo, Aamiin.”

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.