Hot Topics

Ilhaan Cumar oo iska diiday in ay ka qaybgasho dhagaysiga khudbada Madaxweynaha Srael

“Maraykanku waa awoodaa, waana inuu xukuumadda Israa’iil u isticmaalaa saamayntiisa diblomaasiyadeed, laakin in xukuumadda hadda jirta lagu sharfo khudbad TVga laga daawanayo waxay diraysaa farriin khaldan, xilli khaldan,”Ayey tiri Ilhaan.

“Bishii hore waxaan ka hor imid casumaad loo fidiyey ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi inuu hadal u jeediyo labada aqal oo wadajira, sababtuna waxay ahayd rikoorkiisa xuquuqda aadanaha. Bishan kama qayb gali doono hadal jeedintaas oo kale oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog,” ayey Twitter ku qortay Ilhaan.

Herzog,ayaa sannadkii hore waxaa ku casuntay inuu 75 guurada Israa’iil ka jeediyo khudbad aqalka koongareeska, afhayeenkii xilligaas ee aqalka Nancy Pelosi,isla casumaadaas ayuu Afhayeenka hadda xilka haya Kevin McCarthy dib u cusboonaysiiyey sannadkan.

Inkastoo Herzog ay xubno badan oo dimoqradaadiaga ah u arkaan inuu yahay nin macquul ah oo in badan diiddan afkaarta Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

“Ma aha in aan martiqaadno madaxweynaha Israa’iil – xukuumad uu ra’iisul wasaaraheeda xadda xilka haya uu ka mamnuucay laba gabdhood oo muslim ah oo loo soo doortay koongareeska inay dalka booqdaan – inuu u khudbeeyo koongareeska” ayey ku tiri Ilhaan qoraalka Twitter ayadoo hoosta ka xarriiqday in gabada muslimadda ah ee ay koongareeska ku wada jiraan, Rashida Tlaib, aysan u suuro gelin inay booqato ayeeyadeed.

Ilhan iyo Tlaib ayaa laga hor istaagay inay galaan Israa’iill 2019 sabab la xiriirta inay hore u taageereen in xayiraad lagu soo rogo.

Ilhaan waxay soo xigatay Netanhayhu oo sida la sheegay bishii hore u sheegaya xubno ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Likud in Israa’iil ay doonayso inay burburiso “hammiga dal madax banaan” oo loo fasiray in uu ula jeeday Falastiin.