Hot Topics

Ma dhabaa in Dowlada Somaliya Diyaarado dagaal soo iibsatay?

Diyaaradahan masoo iibsan lamana siin Dowlada Somaliya.

Waxaa iska leh Dowlada Imaaraadka Carabta,waxayna ugu talagaleen in ay qayb uga noqdaan hawlgalka la dagaallanka Alshabaab.

Si gaar ah,waxay ku caawinayaan Saadka iyo Dhaawaca Ciidamada ay Gacanta ku hayaan ee loo yaqaan (Ciidamada Imaaraadka).

Diyaaradahan,waxaa xogtooda la ogaysiiyay Xaafiiska QM,waxaana Gacanta ku haya Pilot-yo Imaaraatiya oo amarka ka qaadanaya Saraakiil Imaaraatiya.

Hawlgalka kadib,waxaa dib loogu celinayaa Diyaaradahan Wadanka Imaaraadka.

Sidoo kale Dowlada Turkiga,ayaa iyana loo ogolaaday Diyaaradaha noocaana in ay keensadaan si Ciidanka ay tababareen hawl galka qayb uga noqdaan oo u adeegsadaan.

Fududaynta Cunaqabataynta Hubka ee Somaliya kuma jiraan Diyaaradaha iyo Taangiyada.

Jibril Qoobey.