Hot Topics

Putin oo ku nuux-nuuxsaday in aanu diidanayn wada hadal uu lagalo Ukrain

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa sheegay inaanu diidanayn fikradda wada hadallada Ukraine.

Isagoo ka hadlayay kulan uu hogaamiyayaasha Afrika kula lahaa magaalada St Petersburg ayuu tilmaamay in soo jeedinta Afrika iyo Shiinaha ay aasaas u noqon karaan in nabad la helo.

Laakiin Mr Putin waxa kale oo uu sheegay inaanay jiri doonin xabad joojin inta ciidamada Ukraine ay wadaan duulaanka.

Saacado uun kaddib markii uu hadalkaasi jeediyay, Ruushku waxa uu sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine ay weerar ku qaaday magaalada Moosko, iyadoo khasaare gaarsiisay labo xafiis.

Duulimaadyada garoonka Vnuko ayaa muddo kooban la hakiyay, kaas oo ku yaala koonfurta galbeed ee bartamaha magaalada, waxa dhaawacmay hal qof, sida ay soo werisay wakaallada warrarka u faafisa Ruushka ee Tass.

Ukraine kama aanay hadal weerarka diyaaradda aan duuliyaha lahayn.

Qof goobjoog ah, oo kaliya magaciisa koowaad sheegay, lana yiraahdo Liya ayaa wakaallada warrarka Reuters u sheegtay inay aragtay holac iyo qiiq. “Waxan maqalnay qarax, kaas oo u muuqday mowjad, qof kasta wuu booday ,” ayay tiri.

“Kaddibna waxa jiray qiiq badan, waxna lama arki karin. Illaa kor waxaad arki kartay holac.”

Dhinaca wada hallada nabadda, Ukraine iyo Ruuskuba horey ayay u sheegeen inaanay miiska wada xaajoodyada imaan doonin, iyadoon wax shuruudo ah aan lagu xirin.