Hot Topics

Ciidamo gadoodsan oo maalintii labaad heysta kantaroolka Xarfo

Ciidammo gadoodsan oo kamid ah Daraawiishta Puntland ayaa maalintii labaad heysta kantaroolka degmada Xarfo ee gobalka Mudug, oo uu yaallo mid kamid ah kastamada waa weyn ee Puntland ku leedahay gobalkaas.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la,aan heysatay muddo bilooyin ah. Gaadiidka xamuulka ah ayaana ku xayiran kantaroolka, taas oo keenay culeys soo fuulay ganacsiga gobalka Mudug.

Dadaalo la doonayay in lagu furo wadada ayaa gabi ahaanba fashilmay, ciidamada ayaa dalbanaya in la siiyo xuquuqda ka maqan.

Sidoo kale, Wararka laga helayo caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo Boolis ah oo ka gadoodsan mushaar la,aan xirteen kantaroolka koonfureed ee Garoowe.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Deni, ayaa hadda u muuqata in ay ku fashilantay bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, oo horrey loogu amaani jiray xilli kobaca dhaqaale ee deegaanku meel wanaagsan marayo.

IDILNEWS