Hot Topics

Halkee si rasmi ah ugu sugan yahay Gen. Mahad Cambaashe?

Janaraal Mahad Cambaashe, oo ahaa Taliyihii ciidamada Guutada 7aad ee maamulka Somaliland ayaa ku sugan magaalada Oog, kaddib jabkii Taliska Muuse Biixi kasoo gaaray magaalada Laascaanood iyo deegaanada kale ee Sool ay kaga sugnaayeen.

Cambaashe oo ah sarkaalka kali ah ee kasoo jeeda Sool, ee qeybta ka ahaa xasuuqa maamulka Somaliland ka waday Laascaanood ayaa u baxsaday jimcihii Oog, ka gadaal markii si ba’an loogu jabiyay dagaaladii dhacay ciidanka Somaliland.

Idilnews ayaa ogaatay in Mahad Cambaashe uu wato gaadiid gaaraya ilaa 16 baabuurta dagaalka ah, kuwaas oo midka ugu weyn yahay qoriga ZUUGA. Askarta uu wato Cambaashe ayaa la sheegay in ay yihiin 20 oo kali ah.

In kabadan 260 maxbuus ayaa Somaliland looga qabtay dagaalkii jimcihii, halka gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa 60 looga qabsaday. Dhimasho fara-badan ayaa sidoo kale soo gaaray ciidamada Somaliland.

IDILNEWS