Hot Topics

Akhriso: PSF oo ku baaqday in cadaaladda la horkeeno Maalinguur

War kasoo baxay Taliska ciidamada PSF Puntland, ayaa lagu sheegay in Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo ah wakiilkii argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa gobalka Mudug maanta isu soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka uu ka dambeeyay shilqoole badan oo lagu dilay haldoor iyo masuuliyiin sare oo dawladeed.

PSF ayaa xustay in dadka ku dhintay shirqoolka Maalinguur ay kamid ahaayeen Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug, Taliyihii qeybta 21aad ee ciidamada xoogga dalka, iyo duqii hore ee Gaalkacyo oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo. Taliska PSF ayaa soo jeediyay in Nuur Maalinguur la horkeeno cadaaladda si loogu ciqaabo dilalkii haldoorka.

IDILNEWS