Hot Topics

Xamza iyo Farmaajo oo ku kulmay Qatar

DOHA — 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu booqasho ugu tegay.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, Xamza iyo Farmaajo “ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Kulankan ayaa yimid ka dib markii asbuucii hore Farmajo iyo Sheekh Sharif kulan 2maalmood ah socday ay ku qaateen Shirittoon Hotel, ee magaalada Ankara, Turkey, halkaas oo ay iska waraysteen xaalada dalku marayo hada isla markaana ay isla qaateen in shaki wayn laga qabo weerarada kooxda al shabaab ay ku qaadayaan xerayaha ciidamada xds, isla markaana loo baahan yahay in baaris qoto dheer lagu sameeyo waxa sababay weeraradii lagu xasuuqay ciidamada dowlada somaliya ee ay ka mid ahaayeen weerarkii xerada caws weyne.

IDILNEWS.