Hot Topics

Alshabaab oo dilay in ku dhow 100-Ciidamada Dowlada iyo Macawisleyda ah

Tobaneeyo dagaalyahano Deegaanka ah,ayaa lagu dilay Saakay kadib dagaal khasaare badan dhaliyay oo Maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen inta u dhaxaysa Wisil iyo Shabeelow.

Dagaalka,ayaa bilowday kadib markii saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Macawisleyda oo ku sugnaa jiida hore ee dagaalka ay fuuleen Buur ah si ay uhelaan Anteenada Taleefoonka.

Alshabaab oo maalmihii u dambeeyay la socday dhaq dhaqaaqooda,ayaa weerar gaadmo ah ku ekeeyay.

Ilo wareedyo,ayaa sheegaya in ilaa 30 ka mid ah Maleeshiyada Macawisleyda ay ku dhinteen dagaalkaas.

Dadka ku dhintay dagaalka,waxaa ka mid ah sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlada iyo Saraakiil kale oo Macawisley ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dileen 58-Qof ayna ku dhaawaceen in ka badan 70-Qof, balse tiradan khasaaraha dagaalka si madax banaan looma xaqiijin.