MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY MAAREEYAHA IYO MAAREEYE KU-XIGEENKA KASTAMKA TUURDIBI.

Garowe: 23 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 45 ee 23-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Kastamka Tuurdibi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

 

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

 

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Axmed Maxamed Xasan (Orshe) loo magacaabay Maareeyaha Kastamka Tuurdibi.

Waxaa Maxamed Cali Cabdulle loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Kastamka Tuurdibi.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND