Hot Topics

Dilal ka dhacay Magaalada Hargaysa Xalay

Ciidanka Booliiska Somaliland,ayaa sheegay in Xalay Magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum la odhan jiray Nimcaan Maxamed Cumar oo 23 jir ahaa.

Marxuumka,ayaa waxaa Minddi ku dilay eedeysane Abshir Saleebaan Xuseyn oo 17 jir ah, sida ay ku sheegeen Booliisku qoraal ay soo saareen.

Booliiska,ayaa sheegay in ay Gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha.