Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Qasa Ee Israa’iil iyo Xamaas

Ciidamada Israel iyo kuwa Xamaas ayaa Khamiista maanta ku dagaallamay magaalada Gaza, iyadoo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay ka qaxeen aaggaas oo diiradda lagu saaray hawlgallada milatari ee Israa’iil kadib markii ay Xamaas weerar ku qaadday bishii hore.

Marka laga soo tago dagaalka dhulka ee ka socda magaalada ugu weyn ee Marinka Qaza, ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeymo cirka ah ku garaacay deegaankaasi.

Dagaalka ayaa sababay barakaca dad aad u badan, iyadoo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada uu sheegay in 50,000 oo qof ay Arbacadii u qaxeen dhanka koonfureed ee marinka Qaza.

Tiradan ayaa ahayd tii ugu badnayd abid todobaadkan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 72,000 oo qof ay ka tageen waqooyiga Gaza tan iyo Axaddii.

Maalintii Axadda, Israa’iil ayaa billowday inay furto waddo dadka laga daadgureynayo oo ku taalla waddada weyn ee isku xirta waqooyiga iyo koonfurta Marinka Qaza.

Waddadan ayaa furan afar saacadood maalintii, si dadka rayidka ah loogu oggolaado inay ka baxaan xarunta dagaalka. Ciidanka Israa’iil ayaa Arbacadii sheegay in ay saacad dheeraad ah ku kordhiyeen marinka, maadaama dad badan isticmaalayo.