Qaramada Midoobey oo ku dhawaaqday in aysan Qasa gargaar gaarsiin karin

A view shows houses of Palestinians in Khan Younis refugee camp in the southern Gaza Strip January 3, 2018. REUTERS/Ibraheem Abu Mustafa

Qaramada Midoobay,ayaa xaqiijisay in aysan maanta gargaar geynin Qasa sababo la xiriira shaqaalaheeda iyo khadadka taleefannada iyo internetka oo maqan maalintii Labaad.

Juliette Touma oo ka socota UNRWA oo ah hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee caawisa Falastiiniyiinta,ayaa sheegtay in ay si dhaqso ah ugar gaari karaan Falastiniyiinta hadii isgaarsiinta iyo Shidaalka la fasaxo.

Toddobaadkii tagey Booyad,ayaa Shidaal geysay Qasa tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil bishii Oktoobar, balse mar hore,ayuu dhammaaday Shidaalkaas.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in sahayda Cuntada iyo Biyaha ay dhamaadeen,isla markaana Dadka reer Qasa ay kusii siqayaan Macaluul.