Hot Topics

Xuutiyiinta Yemen oo weeraro joogta ah ku haya Maraakiibta Bada Cas isticmaala

Markab dagaal oo Maraykanku leeyahay,ayaa ku soo riday Badda Cas diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta.

Warar horey u soo baxay,ayaa sheegayay in fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ay sheegeen inay beegsadeen maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee marayey Badda Cas.

Wixii markaas ka dambeeyay, Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo kormeera howlgallada militari ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka uu soo riday saddex diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn, ka dib weerarradaas.

Taliska ayaa sheegay in markabka USS Carney uu caawiyay Saddex Markab oo ganacsi kuwaas oo xiriir la lahaa 14-wadan oo UK ay ku jirto, Axadii ka dib markii lagu bartilmaameedsaday Badda Cas kaas oo ka yimid meelo ka tirsan Yemen oo ay Gacanta ku hayaan Xuutiyiinta.

Laba ka mid ah maraakiibta,ayaa lagu garaacay Gantaallo balse ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, ayaa la raaciyay qoraalka ka soo baxay Taliska Mareykanka.