Hot Topics

Maraykanka oo Dukhayn ku dilay Xubin sare oo ka tirsan Alshabaab

Dawladda Somaliya,ayaa shaacisay in “Duqeyn dhanka Cirka ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Somalida iyo Ciidamadda Mareykanka lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud”.

Talyaha Ciidanka Dowlada Fadaraalka Jen. Ibraahim Shiikh Muxudyidiin;ayaa sheegay in Khaliif oo magaciisa afgarashada uu yahay Macallin Ayman lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib.

Dawladda Maraykanka,ayaa Madaxiisa dul dhigtay 10-Malyan oo dollar,iyadoo ku eedeysay in uu ku lug lahaa weerarkii ay ku dhinteen Maraykanka iyo Keenyaanka ee ka dhacay Saldhigga Ciidamada Manda Bay ee Gobolka Xeebta Kenya bishii Janaayo 2020.