Waa kuwee Wadamada ugu horeeya Ee geli doona Sanadka cusub?

Waxaa sannadka cusub ee 2024 galay dalka Kiribat ee bartmaha badda Pacific-ga halka 26 saacadood kadib ay geli doonaan dalal kale.

33-ka Jasiiradood ee uu ka kooban yahay dalka Kiribati- oo loogu dhawaaqo Kiribass- waxay ku fadhiyaan dhul ballaaran oo ka tirsan dhul-baraha badda Pacific-ga- ku dhawaad 4,000km bari ilaa galbeed iyo in ka badan 2,000km waqooyi ilaa koonfur.

Kiribati waxaa ku xigi doona New Zealand, taasoo sannadka cusub geli doonta marka saacaddu tahay 11:00 GMT.