Musharaxiinta oo ka hor jeediyay khudbadahoodii Musharaxnimo Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa shirka furay, iyadoo ajanduhu yahay hadal-jeedinta musharixiinta isu soo diiwaan-gelisay qabashada xilalka Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, kuwaas oo ay ku soo bandhigayaan qorsheyaashooda waxqabad oo ay ku hoggaamin doonaan Dawladda Puntland.

 

Halkan ka daawo muuqaalka