Hot Topics

Deni oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Puntland

Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii labaad loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland, kaddib markii uu wareegii saddexaad helay 45 cod, halka Musharraxa la tagay wareegan oo ahaa Guuleed Saalax Barre uu helay 21 cod.

Madaxweyne Deni ayaa noqonaya Madaxweynihii u horreeyay ee dib loogu doorto hoggaanka Puntland ee 5 sano.

Dhanka kale, Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa loo doortay Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley).

IDILNEWS