Madaxweynaha Hir-shabelle oo soo gaaray Garowe

Garoowe: 22 January 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe iyo Wafdi uu hoggaaminayo, oo u yimi ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha Puntland oo 25 January 2024 ka dhici doona Garoowe.