Hot Topics

Maxay uyimaadeen Garowe weftiga sare Ee Imaaraatiyaanka ah?

Imaanshaha Garowe ee waftiga sare Imaaraatiga,waxay si cad umuujinaysaa PL siday ugu tahay muhiim.

Waxay Mahadcelin ugu tageen Qof walba oo saamayn macno leh ku lahaa dib udoorashadii MW Deni,waxaana ku jiray oo ay Gurigiisa ku booqdeen Faroole.

Waxaa muuqata Imaaraadku in uusan gorgortan gelinayn PL,si kasta oo isbadal hogaamineed ugu yimaado Kursiga Madaxtooyada.

Imaaraadku,waa kaga adkaaday Qatar loolanka Siyaasada Somaliya,wuxuuna si buuxda ula jaanqaaday Raaskanbooni ilaa Raascasayr.

DFS,wuxuu ubiilaa 12-kun oo Askari Bishii.
JL,wuxuu la wareegay Dekeda Kismaayo,wuxuuna Biilaa Ciidamo door ah.

SL,wuxuu la leeyahay Xiriir gaarsiisan Diblomaasiyad sare iyo waxa wada qabsi fogaaday.

PL,wuxuu u yahay Sxb-ka rasmiga ah ee ay ku tiirsan tahay.

Jibril Qoobey.